Muqdisho-(SONNA)-Ururka Bisha Cas ee Qadar oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa howlo caafimaad ka billowday Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Howlahan caafimaad oo ah qalliinno lagu samaynayo dhegaha, sanka iyo dhuunta (ENT) ayaa socon doona muddo 15 Cisho ah, iyadoo ay ka faaโiideysan doonaan 200 qof.
Mashruucan oo ay ku baxaya lagac gaaraysa 150,023 kun oo dollar ayuu ujeedkiisu yahay in waddamada soo korayo laga caawiyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan bulshadoodu si bilaasha ah.
Howlahan Caafimaad ee bixinayso Bisha Cas ee Qadar ayaa sidoo kale waxaa barbar socda tababaridda iyo qalabaynta Isbitaalka ย Martiini, si loo helo dhaqaatiir khibrad sare leh oo sii ambaqaadda mashruucan ka dib.