Cadaado-(SONNA)-Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo kaashanaya shirkadda Hormuud ayaa 10 shaqaale ah u tababaray sida loogu howl-galo gaadiid dab-bamiska.
Salaad Cabdi oo ka mid ahaa macallimiinta tababarka ayaa sheegay in labadii todobaad ee ay howshan ku guda jireen si habsami leh u bixiyeen casharro ku saabsan badbaadinta nafta iyo hantida kale ee bulshada, ayna filayaan in ay mira dhal noqon doonto duruurtii ay bixiyeen.
Shaqaalaha loo tababaray dab-damiska ah ayaa soo bandhigay tijaabo ku aaddan wixii ay barteen iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen maamulka degmada, shirkadda Hormuud iyo guddiga dab-demiska Cadaado.
Guddoomiye kuxigeenka guddiga dab-demiska Degmada Cadaado Salaad Cirro ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen gaadiid door ka ciyaara baqtiinta goobaha uu debku ka kaco haatanna uu walwalkii ka yaraaday.