Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 1, 2023
7 Min Read
Share

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in ay Hey’addu gacanta ku soo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa ka soo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaasi oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hey’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hey’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa. Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Sakariye waa kuma?

Magaciisu waa Sakariye Kamaal Suufi oo ku magacdheer Aba sheikh Saki,  Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah ,Waxa uu ku dhashay dalka Kenya, waxa uuse ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Shiinaha, isagoo si gaar ah u bartay Injineernimada iyo Ganacsiga ayaa ka mida waxyaabaha uu shiinaha ka soo bartay. Sannadkii 2020-kii ayaa uu Nayroobi ku soo laabtay isaga oo halkaasi ka hirgeliyay shirkadda Zaks Enterprises oo ka shaqeysa dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, wuxuuna ku xiray dalka Shiinaha. Shirkaddu waxay inta badan ka shaqaynaysay Kenya iyo Shiinaha.

Billowga sannadkan qandaraas ay bixisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Kenya ayay ku guulaysatay shirkadda Zaks ee uu Sakariye hirgeliyay. $13M ayaa ku baxayay qandaraaskaasi. AE-MOTI-281723-GO-RFP waa nambarka qandaraaska ay Wasaaraddu siisay. Waxyaabihii la soo gaadayay waxaa ka mid ahaa diyaaradaha Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn iyo agabyo kale, ida ay Dowladda Maraykanku hadda ka hor sheegtay, sababta diyaaradaha Droneska loo soo iibinayo ayaa Wasaaradda ku sheegtay in loo adeegsanayo ilaalinta iyo la socodka beeraha, caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Sakariye kolka uu agabkii keenay waxa uu qeyb ka mid ah u sii gudbiyay Al-shabaab. Billowga bishii Marso ayaa Al-shabaab weerartay Dhismaha buundada Kwa Omollo ee Lamu, waxayna ku dishay Afar kiinyaan ah iyo hal Shiineys ah, iyadoo weerarkaasi waxaa lagu geystay ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Dhammaadkii April waxay Hey’adaha ammaanka ee Kiinya soo qabteen Sakariye oo ay ku eedeeyeen la shaqaynta Al-Shabaab. Waxayna la xiriiriyeen weerarkii dhismaha buundada ee Drone-ta lagu geystay. Waxaa taleefankiisa laga helay xogo badan.

Xogahaasi waxaa ka mid ahaa in seddex kunteenar oo saanad ciidan ah uu ka soo iibiyay dalka Shiinaha, islamarkaana uu ku soo dhex qariyay shixnad ganacsi oo Muqdisho u socotay. Markiiba Hey’adaha ammaanka ee Kiinya waxay la xiriireen dowladda Shiinaha, iyaga oo wax ka weydiiyay seddexda kunteenar. Shiinaha way xaqiijisay iibsashadooda. Kiinya waxay mar kale la xiriirtay Soomaaliya. Heydda NISA ayaa baaritaan u gashay Kunteenaradii ka soo degay Dekedda Muqdisho oo aan weli ka bixin, waxayna qabteen labo ka mida, iyaga oo warbaahinta la wadaagay dhammaadkii bishii May.

Waxyaabihii ku jiray seddexda kunteenar waxaa ka mid ahaa; JS Crop Drones, boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada, diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka, dharka tuutaha ciidanka, teendhooyin, qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida gaari aan nal u daarnayn inuu dhulka siduu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo, iyadoo qalabkaa habeen-aragga loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawinaysa weerarada ay ku guureeyaan xilliyada mugdiga, jaakadaha qaraxyada, bustayaasha habeenkii khal-khaliya diyaaradah wax duqeeya, qalabka ciidamadu u isticmaalaan dabaasha fog, agabka wax lagu basaaso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista, koofiyado adag IWM, waxaana la hubaa in Hey’adaha ammaanka ee Kenya ay shakigoodii sii weynaaday kolka ay Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya xogaha kunteenarada ka soo xaqiijiyeen, waxayna Sakariye horgeeyeen Maxkamadda iyo Garsoore Yusuf Aballah Shikanda, waxa uuna Garsooraha dalbaday in la sii baaro kiiska iyada oo la ballamay 20-ka bishii September, waase ka soo fakaday, si kastaba ha ahaatee, balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay mar kale inay gacanta ku dhigto SAKARIYE!.

Dhinaca kale Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda Argagixisada al-Shabaab, wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha Maleeyshiyada al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubeysan ee loo yaqaan Jabhadda ee Al-Shabaab. Bishiii Janaayo ee sanadkii 2018-kii, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay Argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo Argagixisnimo, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga Qaranka, arrimaha siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka, sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer, Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami, waxaana Madaxiisa la saaray $5 Million.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga…

GudahaWararka
March 8, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose…

GudahaWararka
December 2, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed…

GudahaWararka
July 2, 2024

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo…

GudahaWararka
March 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023