Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
GudahaWararkaWargayska

Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 19, 2021
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday ย Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay 19 Augost 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Raโ€™iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro baโ€™an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hayโ€™adda beeraha QM ee FAO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.

Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.

Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.

Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo masโ€™uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar laโ€™aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.

Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan masโ€™uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hirshabeelle oo tababar u furtay howlwadeenno caafimaad

Jowhar-(SONNA)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta xubno dhaqaatiir ah tababar ku saabsan wacyigelinta cudurka Coronavirus…

Wararka
April 12, 2020

Shirka madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

Muqdisho(SONNA):- waxa maanta magaaladda Muqdisho ka furmaya Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore Sida (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) kaa oo…

GudahaWararka
February 1, 2023

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaannada Garileey iyo Cali-Yabaal ee Gobolka Galgaduud ku dilay 5 dhagarqabe…

GudahaWararka
August 19, 2023

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareebย 

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug…

GudahaWararka
March 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023