Baydhabo(SONNA):-Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka socoto cod-bixinta hanaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee lagu dooranayo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda habsami u socodka geeddi-socodka doorashooyinka, amniga goobaha cod-bixinta, iyo sida ay shacabka uga qeyb qaadanayaan doorashada ee lagu dooranayo golaha wakiilada iyo golaha deeganka.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji hogaamiyaha kmg ah ee dowladda koonfur galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka sida nabdoon uga qeyb qaadanaya cod-bixinta, isaga oo xusay in hirgelinta hanaanka Qof iyo Cod ay muhiim u tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.
hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka, iyo hufnaanta doorashada si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
