Muqdisho..SONNA..Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay shirweynaha ku saabsan arrimaha deegaanka gaar ahaan dhaqan galinta sharciga maareynta deegaanka Galmudug oo dhawaan wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ay soo saartay.
Iyadoo ay meel mariyeen labada gole ee fulinta iyo baarlamaanka uuna saxiixay madaxweynaha Galmudug.
Shirkan oo maanta looga hadley dhibaatada lagu hayo dhirta iyo duurjoogta ayaa lagu sheegay in dhaqangalinta sharciga cusub uu joojin doono dabar-goynta lagu hayo deegaanka, iyadoo laga shaqeysiinayo hey’addaha amniga iyo laamaha cadaalada ee fulin lahaa sharcigan iyo shuruucda kale sida daah furka shirka lagu sheegay.
Ugu dambeyn Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo u mahad celiyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda deegaanka, isbadalka Cimilada iyo hormarinta reer miyiga Galmudug ayaa cadeeyay in dhaqangalinta sharciga deegaanka uu gacmaha qaban doono kuwa xaalufinta kuhaya dhirta iyo daaqa.