Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa;la Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo mar dhow ay dib u dhis ku sameysay Dowladda Soomaaliy, halkaas oo uu kula hadlay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay ixtiraam kula noolaadaan dadka reer Kenya ee soo dhaweeyay, ugana shaqeystaan si nabadgelyo ah.