Dhuusamareeb-(SONNA)-Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan oo ay wehliyaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay xeer ilaaliaha maxakamadda ciidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug ย G/sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa maanta kormeer ku tagay taliska ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor.
Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada oo khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha iyo askarta xoogga dalka ee ku sugan aagaga Magaalada Dhuusamareeb ayaa faray in aan la oggolaan doonin askari xoogga dalka ka tirsan in uu fasax la’aan soo aado guddaha magaalooyinka, isla markaana ay dambi tahay in Ciidamada millatarigu soo galaan bulshada dhexdooda, si la mid ah hey’addaha ku shaqada leh amniga guddaha ee booliska iyo nabadsugida.
Geesta kale guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan ku amaanay guulaha ay kasoo hooyeen howlgallada ka socda gobolka Mudug.
Wuxuuna xoreynta magaalooyinka cusub sida camaara ku tilmaamay mid tusaale u ah soo afjaridda argagaxisada iyo in aysan haynin awood ay kusii joogi karaan degaannada Galmudug.
Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada ayaa ugu dambeyn la faray in ay hubiyaan hubka askarta fasaxa ku aadaysa Magaalada xilliga ay ka baxayaan xeryaha iyo kadib soo laabashadooda.