Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)
Gudaha

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN. (SAWIRO)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: June 26, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA Juun 26, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

 

8

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr, Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kaga qeyb…

GudahaWararka
February 22, 2023

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanada oo laga xusay Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka K/Galbeed, howlwadeenada caafimadka iyo marti sharaf kale, ayaa ka qeybgaley xaflad ka dhacday Magaalada Beudhabo…

Gudaha
January 7, 2023

Shacabka Gobolka Banaadir oo taageeray in dalka laga qabto Doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku…

GudahaWararka
November 26, 2024

Wafdi ka soday Baarlamaaka FS oo Sacuudi Carabiya kula kulmay madaxda Guddigga shuurada iyo kan sanduuqa horumarinta

Wafdi ka soday Guddigga  Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudi Carabiya wadahadal kula yeeshay masuuliyiin ka tiran…

Gudaha
September 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023