Muqdisho (SONNA)-Shirkadda Dahabshiil Group ayaa isniinta 28ka daah furaysa bilowga dhismaha Dahab Tower oo noqon doona dhismaha ugu dheer uguna weyn geyiga Soomaaliyeed oo laga dhisi doono bartamaha caasimaadda Muqdisho.
Dhismahan oo ka kooban ku dhowaad 30 dabaq ayaa sida uu sheegay maamulaha guud ee Dahabshiil ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia Xasan Cabdi Cawed ka koobnaan doonaa Moolal, xafiisyo, dukaano, guryo iyo apartments.
Tower-kan oo ay ku baxayso malaayiin Dollar ayaa dhismihiisa la bilaabi doonaa dhowaan, kaas oo wax weyn ku soo kordhin doona bilicda iyo shaqo abuurka Caasimadda Muqdisho.