Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo baaqa nabadda u diray dagaalka Saaxo Maygaag.

La wadaag cid kale

SONNA (GAROWE)-Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ahmed Cismaan Cilmi Karash oo ay dhinacyada ka taagan yihiin Xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada ayaa Baaq nabadeed iyo xabad joojin dag dag ka balbay Beelaha walaalaha ah ee  dirirtu ku dhex marayso deegaanada Saaxo Maygaag iyo Sange jabiye oo ah deegaan u dhaxeeya Gobalada Nugaal iyo Sool.

Madaxwayne Karaash ayaa xasuusiyay dhinacyadaani qiimaha ay nabadu leedahay iyo in la qaato wada hadal keena xal waara Maamulka ayuu u sheegay inay tallaabo qaadayso walow uusan cadayn Madaxwayne Karaash waxa ay noqonayso tallaabada Maamulka marka laga yimaado Baaqa nabadeed.

Bahda dhaqanka ayaa dhankooda Codsaday joojinka dagaalka iyo qaadashada wada hal mira dhala, islaan Maxamed islaan Ciise Islaan Muuse oo ka mid ah Bahda dhaqanka Puntland ayaa Nabad ka codsaday dhinacyada dagaalamaya xusayna in xabbadda si  shuruud la aan ah loo joojiyo.

La wadaag cid kale