Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
GudahaWararka

Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 23, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la’aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa isku raacay in siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ay fursad badan siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed ee iminka heysato shaqo la’aanta.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Balaal Maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in tani ay tahay guul u soo hooyatay dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna heli doonaan fursado shaqo abuur ah, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay qaadan doonaan qeybta uga aadan sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, isagoo intaa ku daray in barnaamijkan uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane Maxamed Aadan Macalin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qorshahan uu wax weyn ka tari doono suuqa shaqada ee Soomaaliya, ayna tahay tallaabo dhiiri gelin mudan, isagoo xusay in baahi weyn loo qabay mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo daah furay mashruucan ayaa balan qaaday inay ka mira dhalin doonaan hadafka iyo ujeeddada loo aas aasay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka,

“Siyaasaddani waxa ay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqo la’aanta iyo si buuxda sare u qaadidda wax soo saarka dalka, Wadanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan, iyadoo qiyaastii 50% in ka badan ay shaqo la’aan yihiin, dadka da’doodu u dhexeyso 15-64 sano, sida ku cad warbixinada Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, si hadaba arrintaa wax looga qabto siyaasadda waxaa saldhig u ah qorshe Qaran oo horumarineed”. Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Mudane Cabdiwahaab.

Siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ayaa la bilaabay sanadkii 2017-ka, waxaana Golaha Wasiirada ay meel mariyeen sanadkii 2019-ka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS oo bahda Saxaafadda la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Raadiyaha

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa bahda Saxaafadda Soomaaliyeed la wadaagay hambalyo ku…

GudahaWararka
February 13, 2024

Maamulka Gobolka Banaadir oo qori-tuur u sameeyay tartanka Cayaaraha Degmooyinka+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa qabtay Munaasabada Qori-tuurka Tartanka Cayaaraha Kubadda Gacanta iyo Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2021.…

GudahaWararka
September 29, 2021

Yoshihide Suga oo loo doortay hoggaamiyaha xisbul-xaakimka Japan ee LDP

TOKIYO-(SONNA}- Yoshihide Suga ayaa loo doortaqy in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga haya talada Japan ee Liberal Democratic (LDP), doorashadaan oo…

CaalamkaGudahaWararka
September 14, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo K/Afrika kula kulmay madax ka qeybgalay kulankii BRICS

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Dalka K/Afrika kaga qeybgalay shirka u qabsoomay dalalka ku bohoobay ururka…

Gudaha
August 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023