Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, xubno ka tirsan Maamulka Dhuusamareeb, waalidiin, macalimiin, aqoonyahanno mas’uuliyiin ka socotay bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin badalanayeen arday dhameysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda oo bartay kuliyado kala duwan ayaa si wada jir ah u xusay muhiimadda Waxbarashada ay u leeday bulshada, ayna diyaar u yihiin inay sii kororsadaan aqoontooda.
Axmed Muxudiin Hiraabe Maamulaha Jaamacadda Plasma faraceeda Galgaduud ayaa waalidiinta uga mahadceliyay dadaalka ay carruurtooda ku bixiyeen sidii ay heerka maanta u soo gaari lahaayeen, waxaana uu ardayda kula dar daarmay inay joogaan bilowga waddadii ay guusha ku gaari lahaayeen.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Plasma Prof Cusmaan Sheekh Aadan Xeydare ayaa ugu hambalyeeyay ardayda munaasabada qalinjabinta ee heerka 1-aad oo ay nasiib u yeesheen in ay ku qaataan deegaankooda, iyagoo noqonaya dufcadii 7-aad ee ka baxda faraca Jaamacadda ee Galgaduud.
Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow Guddoomiyaha Dhuusamareeb ayaa Maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay xafladda dhiiri gelinta ah ee ay u sameeyeen ardayda baratay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, isagoo intaa ku daray inay garab taaganyihiin sidii loo marin lahaa tacliinta sare ee dalka.
Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa u soo jeediyay ardayda dhameysatay heerka 1-aad ee Jaamacadda inay sii wadaan dadaalkooda Waxbarasho, waxaana uu balan qaaday in ka Wasaarad ahaan ay garab istaagayaan bahda Waxbarashada.