Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    RW ku-xigeenka labaad ee Dalka oo ka qeyb galay saxiixa heshiiska iskaashiga Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga
    March 28, 2026
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo
    March 28, 2026
    RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir
    March 28, 2026
    Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir
    March 28, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika
    March 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)
Maqaallada

Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 14, 2021
4 Min Read
Share

MUQDISHO,(SONNA)- Waxaad marka hore iga guddoontaan Salaan idiinkaga timid mid kamid ah Jiilasha ku soo koray, wax ku soo bartay islamarkaasna ku soo kifaaxay Gobannimadii aad dhiigiinna u daadiseen, xoolihiina iyo dantiiniina u dayacdeen.

Aasaasayaasha Ururkii SYL ee Sharafta iyo Qiimaha lahaayow.

Salaantan waxaan kala soo socdaalay Raas Casayr iyo Raas Kamboone waxayna daarrantahay  duur-xul iyo daltabyo.

Waxaan Allaah idiinkaga baryayayaa in uu Jannadiisa qaaliga ah idin dejiyo!

Haddii aan intaas gogol-xaar iyo maan-xadantayn uga gudbo, waxaan maanta oo ku beegan 15 Maajo oo ah maalinta loo asteeyay in loo dabbaaldego Ururkiini SYL rabaa in aan idiin xogwaramo e, ii oggolaada in aan idiinkaga xogwaramo meesha uu xaalkeenu joogo 78 sano kaddib markii aad aasaasteen Ururka SYL.

  • Waxaad 78 sano kahor ka digteen, ka dagaasheen kana dhiidhideen heeryadii Gumaysiga ee berigaas na saarnayd waxaadna ku guulaysateen in aad Gumaysigii naga kicisaan, dalkeennuna uu noqdo dal xor ah oo dowlad dimuquraadi ah leh. Hadda waxaan ku jirnaa xaalad ka duwan xaaladii wakhtigaas. Waxaa intaas noo dheer in gumaysigi berigaas aad la dirirteen uu hadda ku guulaystay in dad badan oo Soomaaliyeed ay u durbaan-tumayaa in uu dalka dib ugu soo laabto.
  • Qabyaaladdii aad berigaas gaashaanka u daruurteen dadkana kala dagaasheen waxay haatan dalka ka jirtaa iyadoo halbeeg u ah qayb kasta oo hab-nololeedka bulshada ku jirta, sida dhaqan-dhaqaalaha, saami-qaybsiga siyaasadda iyo xitaa qaar kamid ah qaar goobaha diinta iyo cibaadada.
  • Dhaqankii iyo hiddihii aan dadka kale uga dir-soocnayn wuxuu hadda marayaa meel Allow Sahal ah oo aan ka baqayo in labaatan sano dibadeed la waayo cid aqoon iska daaye’  xitaa dhigaal qoran ka haysa. Dhaqanno cusub oo aan dunida ka soo qalin-daarannay ayaan haatan ku faannaa, waxaana marag ma doonto ah in afafka qalaad ka mudan yihiin afkeenna, waayo goobaha ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo xittaa ogeysiisyada ama wacyigelinnada waxaa lagu qoraa luqado qalaad ama Af Soomaali dubbe lala dhacay!
  • Midnimadi aad berigaas hanateen waxay iyaduna hadda qaadatay macno kale; waxay noqotay mid la galo lagana baxo wakhtigii la doono. Waxaa lagu jaangooyaa rabitaanka hoggaanka markaas hor-booda maamullada dalku u kala qaybsamay oo haatan Lix ah.
  • Dowladnimadii aad noo dhaliseen waxay haatan la daalaa-dhacaysaa dakharo siyaasadeed oo ay u gaysteen dad qaybaaladda ku awr kacsada oo manfaca qabiilka iyo mansabka dowladda isku xira. Dadkaas annga ayaa doorana annaga ayeeyna na dulleeyaan, waana dad wata dhaqanka ”arkaa qaadka ah” ee Allaah laga magangalo.
  • Da’yarta Soomaaliyeed oo haddii idinka la idin barbardhigo aqoon iyo anfacaba idinka badan ayaa waxaa ku dhacay cudur ay cududdooda la arki waayeen, cudurkaas oo keenay in ay noqdaan ”ma liibanayaasha lagu liibaanay”.

Waxaan aad iyo aad uga uur-xumahay in aan Aakhiro idiinkugu soo diro dhambaal aadan mudnayna in aad maqashaan ama aragtaan, laakiin waxaan rabaa in aan qalbiga idiinkugu qaboojiyo in ay jiraan ififaalooyin soo ifbaxaya oo muujinaya in hoggaanka dalka ee hadda talada haya ay xoogga saarayaan dib u soo noolaynta awoodda dhallinyarada. Wuxuu fursado shaqo, hoggaamin iyo metelaadba siiyay da’yar badan oo rag iyo dumar isugu jira.

Waxaan rajaynayaa in sannadkan sannadka xiga haddii uu Alle idmo wedkuna ii kaadiyo aan degelkiina idiinkugu soo diro dhambaal kan ka wanaagsan, ka rajo iyo raynrayn badan Insha Allaah!

Duco iyo mahadnaq naga guddooma.

W/Q. Cabdi Muuse Macalin oo ah Qoraa, Suxufi madaxbanaan, Macallin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

RW ku-xigeenka labaad ee Dalka oo ka qeyb galay saxiixa heshiiska iskaashiga Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa…

March 28, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ah ee ku caan baxday ka been sheegida iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxay ku kacday…

MaqaalladaWararka
March 6, 2023

Doorka Dhallinyaradda Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Amniga iyo xasilloonidda Dalka? (Faallo)

Muqdisho-(Faallo)-Amniga dalkeenna Soomaaliya waxa uu muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatada amni…

GudahaMaqaallada
June 25, 2024

Wasiir Cadaala:”Waa ka xumahay in Dad Masuuliyiin ah ay Macaash siyaasadeed ka raadiyaan Khawaarijta” (WARBIXIN)

Waxaa wali socda hadal heynta ah Is-af garad ku sheegii ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, taasi ayaana keentay inay…

GudahaMaqaallada
July 16, 2024

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan…

GudahaMaqaalladaWararka
July 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023