Muqdisho(SONNA):- Masuuliyiin ka soctay Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ayaa kulan la yeeshay Madaxda Jaamacaddaha dalka, waxayna iska wareysteen sidii sarre loogu qaadi lahaa wada shaqeynta Jaamacaddaha iyo Wasaaradda Waxbarshaadda Soomaaliya, taas oo dowr fiican ka qaadan doonta tayeynta Waxbarshadda Sare ee dalka.
Madaxda Jaamacaddaha ayaa soo dhaweeyey wada shaqenta Wasaaradda Waxbarshadda ayaa la yeelaneyso si sarre loogu qaado Tacliinta sare ee dalka.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda ayaa kula dardaarmay bahda Jaamacaddaha in ay ka shaqeeyaan sidii ay Waxbarsho taya leh u heli lahaayeen ardayda Somaaliyeed ee dalka gudihiisa wax ku barta, loona heli lahaa hab waafaqsan nidaamka Caalamiga ah ee Waxbasrhadda dhowaan la sameyn doono tiro koob ku saleysan tayada Waxbarshada Dalka.