Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.
GudahaWararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: May 2, 2021
2 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA) Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayuu kaga warbixiyay dedaalada Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ee xal ka gaaridda muranadii Siyaasadeed ee dalka iyo xaaladihii amni ee ka jiray magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in RW uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kedib markii uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Talaabooyinkii ugu horeeyay ee xooga la saaray waxa ay ahaayeen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka amniga waxa uu Ra’iisul Wasaaraha maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Ciidamada qalabka sida ay ku laabtaan xeryahooda iyagoon kala sooc lahayn, guddigaas maanta ayuu hawl bilaabay.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan Siyaayisiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul wasaaraha iyo horumarka Isfahan ee la xaqiijiyay kuwaa oo wali faraha kula jira ciidamada, waxa uu siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabada ee la waday.

Ugu danbeyn Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa dhamaan ciidamada qalabka sida faray inay faraha la galaan wax ka baxsan waajibaadkooda qaranka ee ah inay difaacaan dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israel oo ku hanjabtay in hawlgallo dheeraad ah ay ka fulineyso Daanta Galbeed

Milatariga iyo sirdoonka Israa'iil ayaa sheegay in howlgal xiriir ah laga fulin doono Jenin iyadoo Israa'iil ay wajaheyso dagaal fool-ka-fool…

Caalamka
January 24, 2025

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya…

GudahaWararka
May 28, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo Baardheere kasameeyay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo lagu baacsanayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanka Raydab oo qiyaastii 40-Km dhanka Waqooyi…

Wararka
October 15, 2019

Wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee…

GudahaWararka
November 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023