Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19
Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafida Xanuunka COVID19

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 2, 2021
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19 Markii uu dib u eegis Ku sameeyey go’aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19:

Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda:

XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA:

• Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo.

• Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah.

• Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021.

• Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021.

• Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada.

. Waxa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto.

• Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga.

• Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah:
1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir
2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask

• Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021.

• Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka.

• Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19.

• Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha.

. Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir.

DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA

• Qof walba oo imaanaya ama ka’dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

• Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin.

• Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah.

• Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

• Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka.

• Arimaha la’ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka.

• Dhamaan Hay’addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19

. Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

“BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur?…

MaqaalladaWararka
August 26, 2023

Ciidanka Sirdoonka oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduuda labada Shabeelle

Muqdisho (SONNA): Ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduuda ay…

GudahaWararka
July 12, 2023

Madax ka tirsan maxkamadda ciidamada oo la kulmay saraakiisha ciidamada ee  ka howlgala Gaalkacyo

Gaalkacyo.(SONNA)...maxkamada ciidamada qalabka sida g/lle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahaanba howlo shaqo ku joogay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug…

Gudaha
June 17, 2021

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shala6 magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada…

GudahaWararka
December 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023