Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo ka Qaybgalay Shirkii Taliyayaasha Ciidamada Dhulka Afrika oo diiradda lagu Saaray Tiknoolajiyadda Casriga.
    March 27, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya
    March 27, 2026
    Xulka K/Cagta Qaranka oo galabta la kulmaya dhiggooda Mauritius
    March 27, 2026
    “Haa waan joojin karnaa” halkudhigga xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida
    March 27, 2026
    Wasiirka Ganacsiga XFS oo Ka qaybgalay Shirweynaha 14aad ee Ururka Ganacsiga Adduunka.
    March 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021
Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021

By Agaasimaha SONNA
Last updated: March 1, 2021
2 Min Read
Share

Ka dib kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay midowga musharixiinta kaas oo dhammeystir u ahaa heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu magacaabay labo (2) guddi oo isku dhaf ah oo midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharixiinta waxay kala yihiin;

1. Xasan Xundubay Jimcaale
2. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
4. Daahir Maxamuud Geelle
5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
6. Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

Magacaabista Guddigan ayaa salka ku haysa kadib markii ay heshiis ku gaareen Ra’iisul Wasaare Macamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta in si wadajir ah looga shaqeeyo abaabulka bannaan bax nabadeed iyada oo laga taxadarayo halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran xaaladdaas, lana raacayo tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka.

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble magacaabay ee baaraya dhacdooyinkii 19kii Febraayo ayaa ah min 3 xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharrixiinta waxayna kala yihiin;

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo ka Qaybgalay Shirkii Taliyayaasha Ciidamada Dhulka Afrika oo diiradda lagu Saaray Tiknoolajiyadda Casriga.

Muqdisho-SONNA- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdulahi Cumar ayaa magaalada Rome…

March 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo taageero u fidiyay qoyskii ku waxyeeloobay duqeyntii Droniska ee Kaabul

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof…

Caalamka
January 7, 2023

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY GUDDIGII IYO HAWL-WADEENNADII XUSKA TODDOBAADKA XORRIYADDA

Muqdisho,(SONNA)- Luuliyo 09, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi…

Gudaha
July 9, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Nairobi Kenya

Nairobi (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo…

GudahaSawirroWararka
May 28, 2024

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano (2022-2025)

Muqdisho(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xalay fiidkii oo Arbaco ahayd (17 September) soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda…

GudahaWararka
September 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023