Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool
    November 9, 2025
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah
GudahaWararka

Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 25, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu ku sheegay in la soo afjaray weerar ay xalay saq dhexe ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay tababartay ay ku soo qaadeen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ku doonayeen inay magaalada kula wareegaan.

Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo u diyaarsanaa difaaca dhulka Soomaaliyeed ay u jilib dhigeen weerarkaas,  islamarkaana ay magaalada ka sifeeyeen, iyadoo ay taageereen shacabka gobolka Gedo oo dawladnimadooda ilaashanaya.

Wasiirka ayaa xusay in dagaalkaas lagu qabtay ku dhawaad 100-askari oo ka tirsan maleeshiyada fallaagada ah ee Kenya tababartay, kuwaas oo ciidanku ay ku hayaan goob ammaan ah, iyagoo ilaalinaya xeerarka ka yaal maxaabiista dagaalka.

Dubbe ayaa Kenya iyo maleeshiyada ay abaabushay ku eedeeyey inay madaafiic ku garaaceen dad shacab ah, waxaana uu xaqiijiyey geerida 6-ruux oo ahaa hooyo iyo 5-Carruur ah oo ay dhashay, isagoo dhinaca kale xusay in maleeshiyada ay ganacsiga magaalada weerareen ayna difaac ka dhigteen markii la hareereeyey dabaqa shirkadda Hormuud ee magaalada Balad-xaawo si isgaarsiinta loo dumiyo.

Qasaaraha soo gaaray ciidanka dawladda ayuu ku soo koobay inay jiraan dhaawacyo kooban oo soo gaaray, balse ma sheegin wax dhimasho ah.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya baaritaan ku hayso macluumaadka hub culus oo kooxo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali ay doonayeen inay dalka soo galiyaan, si loogu qalqal galiyo xasilloonida Soomaaliya.

Hubkaas oo hadda xogtiisa ay dawladdu aruurinayso, iyadoo la raacayo nidaamka dawliga ah ee hubka sharci darrada ah ayuu ku sheegay inuu yahay mid aad u badan oo laga lahaa dano khatar ah oo colood dib ugu celin kara Soomaaliya oo hadda ka soo kabanayso dagaaladii sokeeye ee ay soo martay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Bakool (SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir looga hadlayay Go’aamo kasoo baxay Sacuudiga oo lagu qabtay Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta

Muqdisho(SONNA):-Shir looga hadlayay go’aamo Cusub oo ay soo saartay Wasaarada Xajka ee Dowlada Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha…

GudahaWararka
May 27, 2024

Wasiirka Beeraha XFS oo oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Addis-Abbaba(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska…

GudahaWararka
July 29, 2025

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Iskaashiga Wadamada…

GudahaWararka
March 31, 2021

Mileteriga Israa’iil oo Daanta Galbeed ku dilay 11 ruux

Ugu yaraan 11 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo militariga Israa’iil…

Caalamka
August 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023