Mudug (SONNA) Fikirka hal abuurnimo ee da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Dalka Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa la oran karaa waa mid muujineysa ifafaale horumarineed oo kusii baahaya dalkeena oo soo maray mar xalado adag, taas oo dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ay ku nafwaayeen colaadihii iyo dhibaatadii dalka ka jirtay
Xirfado hal abuurnimo ayaa mararka qaar sababta in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku soo koray dal burbur iyo colaado, kasoo daalay ay soo bandhigaan farsamooyin, iyagoo ka faa’iideeysanaya hanaanka dowladnimo ee dalka ka jirta.
Cabdullaahi Qosal Biid waa wiil yar oo 17 sano jir ah kuna nool deegaanka Xarfo ee Gobalka Mudug waxaa uu ka mid yahay da’ayarta Soomaaliyeed ee dhashay waqtiyadii bur burka iyo colaadaha, balse maanta la oran karo waxa uu ka mid yahay hal abuurada da’ayarta ah, waxaana uu isku day wanaagsan ka sameeyay farsamada diyaarad yar oo aad la fajaceyso kolka aad aragto.
Farsamada gacanta ee ay dhallinta Soomaaliyeed ka sameeyaan waxyaaha uu dunida sida weyn u isticmaalo, waxaana dowaldda la gudboon in dhallinta Cabdullaahi uu ka mid ah yahay ay il gaar ah ku eegto oo ay geyso xarumaha lagu barto farsamada gacanta si looga faa’iideysto hamiga ay mustaqbalka fog ka leeyihiin dhallinta nuucaani oo kale ah.