Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Ciyaartoyda Xulka gobolka Banaadir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug, wuxuuna si guud u bigaadiyay dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartanka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in tartamada nuucaani oo kale ah ay yihiin kuwa ka shaqeeya Nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayna Xukuumadda dhiiri gelineyso.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Waxaan kaloo ku bogaadinayaa kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeen, Waxaa ammaan mudan intii ka shaqeysay qabanqaabada koobkan xiisaha badnaa iyo taageereyaashii dhiirrigalinta la garab joogay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Xidigaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta lagu soo gabo gabeeyay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee degmada C/casiis.