Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo Xoghayihii hore Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Xoghayihii hore shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay sida hufan ee uu uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xoghayaha cusub faray in uu sii xoojiyo shaqada Wasaaradda, korna u qaado hufnaanta, wada-shaqeynta iyo dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa goobjoog ka ahaa senatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo hawlwadeennada Wasaaradda.
