Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 10-aad ee baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee jowhar
Kulanka oo uu shir guddoominayey gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cisman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax ka bedalka Mudo Xileedka Hay’addaha Ddastuuriga dowlad Goboleedka Hirshabelle maadama xildhibaanada wax ka badal ku sameeyeen Qodobada 33-Aad iyo 50-aad ee dastuurka dowlad goboledka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada maarlamanka iyo madaxtooyada.
Xoghayaha guud ee golaha ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey qodobada Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya awoodaha Baarlamaanka dowlad Goboledka Hirshabelle
Sidoo kale gudoomiyaha baarlamanka ayaa Xildhibaanada ayaa faah faahin ka siiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo
Intaas ka dib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo xileedka Hay’addaha dastuuriga dowlad goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.
Gudoomiyaha baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta,waxaana codeysay 70 xildhibaan iyadoo ay ogolaatay 66 xildhibaan,waxaa diiday 3 xubnood halka 1 ruuxne uu ka aamusay