Jowhar (SONNA)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiiradda ee xukuumadda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirada sii haya-yaasha ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, caafimaadka, boostada iyo isgaarsiinta, gargaarka, ganacsiga iyo wasiirka duulista hawada.
Wasiirka ganacsiga ayaa kulanka kaga warbixisay sare kaca maciishada qeybaheeda kala duwan oo korar aad u weyn la ga dareemayo magaalada Jowhar taas oo sawabtay xirnaashiyaha wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad oo ay gooyeen biyaha wabiga Shabeelle.
Wasaardda arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale soo gudbisay warbixin ku aadan hal ka ay marayan dhismaha dowlada hoose ee Hirshabeele .
Dhinaca kal,e wasaaradda amniga ayaa warbxinteeda ku soo gudbisay xaaladaha amni, ee deeganada Hirshabeelle waxaana uu soo hadal qaaday xoojinta booliska Hirshabeelle, iyo 12 gaari oo kuwa boolis ka ah oo dhawaan ciidamada booliska ay la kawareegi doonaan iyo sugidda amniga.