Munaasabadaan oo ay soo agaasintay wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka galmudug isla markaana qeyb ka ah munaasabadaha lagu maamusayay maalinta naafada aduunka oo ku beegan 3da bisha decembar ayaa xalay lagu qabtay magaalada galkacyo ee xarunta gobalka Mudug
Munaasabaddaam oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan galmudug xubno ka socday ururada naafada gobalka mudug ee galmudug iyo xubno matalayay ururada haweenka iyo dhalinyarada gobalka,waxaa abaal marino biladeed iyo mid lacageed lagu gudoonsiiyay qaar ka mida naafada gobalka
waxaa ugu horeyn ka hadlay duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan jimcaale oo sheegay in maamulka dagmada ay si gaara ah u ogaan doonaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool dagmada galkacyo
Drs yurub Cabdul qaadir sheekh cali, isu duwaha wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka galmudug ee gobalka mudug ayaa iyana sheegtay in ujeedka munaasabadaan ay uqabteen ay tahay sidii laysugu baraarujin lahaa ka warqabista dadka qaba baahiyaha gaar ah loona garab istaagi lahaa
Munaasabadaasi waxaa intii ay socatay ka hadlayย culuma udin, waxgarad, ganacsato iyo xubno matalayay ururada bulshada