Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra”iisul wasaaraha dalka oo amaanay mashaariicda horumarineed ee hay”adda Qatar Charity ay ka fulinayso dalka+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra”iisul wasaaraha dalka oo amaanay mashaariicda horumarineed ee hay”adda Qatar Charity ay ka fulinayso dalka+sawirro
GudahaMuuqaalloWararkaWargayskaWaxbarashada

Ra”iisul wasaaraha dalka oo amaanay mashaariicda horumarineed ee hay”adda Qatar Charity ay ka fulinayso dalka+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 27, 2020
4 Min Read
Share

Baydhabo(SONNA) Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee waara, Qatar Charity waxay ka hirgelisay magaalada Baydhabo mashaariic kaladuwan oo loogu talagalay adeegyada bulshada oo si bilaasha ah uga helaan,waxaana kamid ah Iskuul Hoose Dhexe iyo Sare,Ceelbiyood iyo xarun quudin,kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan dadka danyerta ah.

Waxaa goob jog ka ahaa Xafladda furitaanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xuseen Rooble,madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,Madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya mudane C/nuur Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Xaruntan ay Qatar Charity ka hirgelisay Bayhdbao  ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo gobollada dalka, waxayna u qabataa bulshada gobolka adeegyo kala duwan oo xagga waxbarashada, arrimaha bulshada iyo horumarka ah, iyadoo la filayo in dadka ku nool magaalada Baydhabo oo tiradooda lagu qiyaaso 2.2 milyan oo qof ay ka faa’iideysan doonaan, iyadoo guud ahaan qarashkiisa lagu qiyaasay in ka badan hal milyan iyo afar boqol oo riyaal.

Sidoo kale Foornada samafalka oo rootiga lagu sameeyo ayaa sidoo kale looga golleeyahay in lagu yareeyo dhibaatada dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo abaaraha iyadoo la siinayo gargaarka bani’aadamnimada ee lagama maarmaanka ah, iyadoo maalin kasta loo qaybiyo rootiga sadaqada ah 2,000 oo qoys, wadarta guud ee kharashka dhismaha, qalabeynta iyo fududeynta sanad ka badan hal milyan iyo lix boqol oo riyaal.

 

Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa xafiiska Hay’adda samafalka Qatar Charity ee Soomaaliya ayaa yiri”.

“Waxaan dareemeynaa farxad iyo raynrayn furitaankii mashruucan oo ahaa maalin un riyo adag in la gaaro, laakiin awooda ilaahey mahadnaqna kuwa u gargaara dowlada Qatar ee aan walaalaha nahay, waxay noqotay xaqiiqo la taaban karo hortaada”. Cabdi Nuur ayaa intaasi ku daray in haddii aysan ahaan lahayn dadaalka madaxda madaxda Koonfur Galbeed ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Laftagareen la qaban lahayn hoowshaan balse ay muujiyeen kaalintooda kaga aadan.

Dhiniciisa, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Abuubakar ayaa yiri”.Qatar Charity waa lamaane istiraatiijiyad u leh dawladda Soomaaliya dhammaan dhinacyada adeegga iyo horumarka. Waxaa mahad leh Qatar Charity iyo mahadcelinta dowladda Qatar iyo shacabkeeda.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) ayaa isna dhiniciisa ka yiri, “Mashruucan adeeggu wuxuu u yahay adeeg tayo leh bulshada ku dhaqan gobolka, oo baahi weyn u qabay mashaariicdan oo kale,Wuxuu tilmamaay  Qatar Charity iyo dadaalkeedii horudhaca ahaa ee ahaa in la caawiyo, dawladda iyo dadka Qadarna way leeyihiin.

Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Xasan bin Xamza Hashem, ayaa isna dhankiisa yiri “Dawladda Qatar waxay marwalba dooneysaa inay ka caawiso walaalaha Soomaaliyeed mashaariic waarta, maaddaama mashaariicdan ay fursado shaqo siinayaan dadka shaqo la’aanta ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo dib u dhiska hay’adaha kala duwan, si Soomaaliya ay ugu raaxaysato ammaan, xasillooni iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbadiisa munaasabada ku yiri “Aad baan ugu faraxsanahay furitaanka mashruucan adeegan oo ay ka mid yihiin goobo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed sida caafimaadka, dhaqanka, waxbarashada, biyaha, iyo caawinta dadka  tabaalaysan, gaar ahaan agoonta, waxaana goobjoog u ahaa mashaariic fara badan oo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgelisay gobolada Soomaaliya.” . Wuxuu mahadcelin iyo bogaadin ujeediyey Qatar Charity sida joogtada ah ee ay ucaawiso iyo u caawinta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qadar oo marwalba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in Qatar Charity ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo horumarineed, maadaama tirada xarumo fara badan labadii sano ee la soo dhaafay ay gaartay 9 xarumood.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Caawa Cisbitaalka Ku Booqday Macalimuu+Masawirro

SONNA (Muqdisho, 17-01-22):-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo…

SawirroWararka
January 16, 2022

Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Ethiopia oo tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Amniga Puntland

Muqdisho (SONNA)-Danjiraha Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid…

Wararka
December 30, 2020

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan” Waxaa diyaar ah 17-urur siyaasadeed oo ka qeyb qaadanaya doorashada dadweyne ee soo socota,”

Muqdisho.(SONNA):- Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo gudoonsiiyey 12 Urur…

GudahaWararka
April 19, 2025

Madaxweynaha JFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib shirkii wadatashiga Heer Federaal iyo Heer D/goboleed+Sawirro

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka…

GudahaWararka
August 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023