Mareykanka oo xusay dhacdadii 11-kii Setembar ee 20-sano ka hor

La wadaag cid kale

Madaxda Mareykanka iyo dadka dalkaasi ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Magaalada New-York oo lagu  maamuusaayey ku dhow ​​3,000 oo qof oo ku dhintay dhacdadii 11-kii September.

11-ka Setembar oo loo aqoobsaday caado sanadeed, waxaa xafladdii lagu maamuusaayey ay ku bilaabatay daqiiqado aamusnaan ah oo loo sameeyay dadkii dhintay,ka dib waxaa halkaasi laga akhriyay magacyada 2,977 dhibane.

Madaxweyne Joe Biden iyo Madaxweynayaashii hore ee Barack Obama iyo Bill Clinton,ayaa iyaguna ka qeybgalay munaasabaddaasi baroor-diiqda ah ee loo sameeyay dhibanayaashi baftooda ku waayey weeraradii loo adeegsaday diyaarado rakaab ah.

Weeraradii dhacay 11-kii Setembar, ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Shabakadda al-Qaacida oo adeegsaneysa Sagaal iyo toban qof,waxaana lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee Twin Towers iyo qeybo ka mid ah dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagoonka.

Muwaadiniinta 77 dal ayaa ka mid ahaa dadka waxyeeladu ka soo gaartay weeraradii loo adeegsaday diyaaradaha ee ka dhacay gudaha Mareykanka,gaar ahaan Magaalada New-York .

Ciidamada Mareykanka oo ka jawaabaya weeraradaasi ayaa bil ka dib ku duulay dalka Afganistaan,iyagoo doonaya in la ciribtiro al –Qaacida, lana ugaarsado Bin Laden.

Toban sano oo baadi-ggob ah ka dib sanadkii 2011 -kii markii ugu dambaysay ciidamada Maraykanka ayaa helay oo dilay Bin Laden ,isagoo gabbaad ka dhiganaya am in muddo ah ku noolaa dalka Pakistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ee 31-kii Agoosto isaga baxay dalka Afganistaan,waxaana halkaasi ku soo afjarmay 20-sanooo ciidamada Mareykanka ay joogeen dalkaasi.

 

La wadaag cid kale