Muqdisho (SONNA)-Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiisika ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Mรฉnager
Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta goโaan qaadashada.
Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay ย heshiiskan.
โFaransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyayโ ayuu yiri Wasiir Beyle
Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu hishiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono
Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay ย Wadamo iyo Heyโadaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.