Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”
Wararka

Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 18, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Cumar Carte Qaalib ,  waxa  uu ku dhashay  magaalada Hargeysa  sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay Jaamacada Bristol ee dalka  Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabileey.

Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960  , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Inta uusan dhalan kacaanka waxa uu noqday Danjiraha Ethiopia ee Soomaaliya.

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay Wasiirka  arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxweynaha  golaha  ammaanka  ee Qaramada Midoobay 1972 ,  sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka Jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka Wasiirka  arrimaha hayey illaa 1977.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.

7 June 1982,  Cumar Carte Qaalib iyo 6  siyaasi oo kale, kuwaasi oo kala ah

  1. Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor
  2. Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale
  3. Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle
  4. Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)
  5. Maxamed Yuusuf Weyrax iyo
  6. Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii saddexaad Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu  xirhnaa  , laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimid beesha caalamka iyo ururada  u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana  loogu badelay xabsi.

Waxa  lagu hayey  xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisal Wsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha  u soo galay  magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa  xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay  dawladdu sii burburaysay  , waxa  uu ugu baaqay ciidamadu  in ay hubkoodu ku wareejiyeen  jabhadaha  dagaalka kula jiray , waxaana  uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara  oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisal Wsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey  illaa bishii May 1993.

1993 ,waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Carte dadka  yaqaanaa , waxay ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

W/D: Xasan Abuukar Cali (Xasan Baydhabo)

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada adduunka ee 12-ka Ogoosto

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada…

WararkaWargayska
August 12, 2020

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka “bahda suugaanta waxaa ay hormuud ka yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta”

Muqdisho (SONNA) Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
March 4, 2023

Horin ka tirsan Banda Musikada Booliska oo tababar loogu soo xiray Akadeemiyada Gen. Kaahiye

Muqdisho, (SONNA): Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa tababar usoo xirey horin ka tirsan Banda…

GudahaWararka
August 22, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo ka wada hadlay dagaalka Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye…

GudahaWararka
February 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023