Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad ku saabsan doorka Ganacsatada ee horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana sidoo kale munaasabadaan ku sugnaa wasiir ku-xiggeenka maaliyadda, Wasiir dowlaha wasaaradaasi, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.
Wasiir Beyle oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ayย Laf-dhabar u yihiin isbadelka iyo horumarka maaliyadda dalka, isaggoo xusay inay garab taagan yihiin qeybaha kala duwan ee ganacsatada.
“Ganacsatada Soomaliyeed waa kuwa laf-dhabarka u ah isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya, waxa aan u mahad celinayaa masuuliyiintii nagala soo qeyb gashay iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo naga saaciday qabasha xafladaan quruxda badan” ayuu yiri Wasiirka maaliyadda.