Garoowe-(SONNA)-Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wafti uu hoggaaminayo.
Wafdiga wasiirka oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayna qayb ka ahaayeen masuuliyin ka tirsan bangiga aduunka iyo Mashruuca Baxnaano ayaa saakay kormeeray deegaanka jibba galle oo ah deegaan beeralay iyo dhul daaqsimeed isugu jira uuna saamayn ku reebay ayaxii inta badan ku habsaday dhul daaqsimeedka Soomaalida.
Wafdigan wasiirka ayaa si doo kale kulan gaar ah oo saxaafadu banaan joog ka ahayd kula qaatay aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo masuuliyin ka tirsan madaxtooyada Puntland.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaato madaxda wasaarada Shaqada, shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayna ka wada hadlaan islaashiga labada dhinac, mashruuca Baxnaano iyo barnaamijka lagu taageero shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya ee uu taageero Bangiga aduunku.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed.