Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Haweenka XFS oo Baydhabo ku qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Haweenka XFS oo Baydhabo ku qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro
Wararka

Wasaaradda Haweenka XFS oo Baydhabo ku qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 12, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeybgashay shir qeyb ka ah kulamo isadaba joog ah oo wasaaradda ugu ololeynayso qoonddada haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda, kaas oo loo qabtay haweenka Koofur Galbeed.

Wasiirka oo hogaaminaysa wefdi xildhibaano ah oo k tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isu xil saaray u qareemidda xuquuq siyaasadeedka dumarka, gaar ahaan ilaalinta qoonddada 30% ah oo ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen masโ€™uuliyiin kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka ay wax u waddo wasaaradda haweenka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Koofur Galbeed, Shamso Maxamed Yarow, oo kamid ahaa masโ€™uuliyiintii ka qeybashay kulanka ayaa sheegtay in xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed aan wax gor gortan ah la gelinin, iyadoo xustay in Koofur Galbeed ay arrintaas hormuud u tahay.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, Fahiima Cismaan, ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka looga baahan yahay in ay geesinimo la yimaadaan si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) wasiirka haweenka Soomaaliya, ayaa shirka ka sheegtay in magaalada Baydhabo noqotay meeshii labaad oo ololaha haweenka lagu qabtay isla markaana ay farxad gaar ah u tahay arrintaas.

Waxay sidoo kale xustay in Koofur Galbeed ay tahay meesha ugu badan oo ay ka yimaadeen haweenka ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ku amaantay hogaanka Koofur Galbeed oo arrintaas suurtageliyay.

Wasiirka haweenka Soomaaliya ayaa tilmaantay in haweenka ay yihiin kuwa ugu horeeya oo ay saameeyaan sharciyada dalka loo sameynayo sidaas awgeedna waajib tahay in haweenka door ku yeeshaan.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waddo olole daaran sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliya oo ah 30%, wasiir Xaniifa oo arrintaas ka duulaysa ayaana hormuud u ah ololahaas wasaaraddu ku qaban doonto gobolada dalka, sida uu qorshuhu yahay.

Kulankan maanta waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed, wasiirada waxbarashada, diinta iyo awqaafta Koofur Galbeed iyo masโ€™uuliyiin kale.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

MUQDISHO(SONNA):-Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka Taliyaha Howlgalka…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qalab Caafimaad oo la guddoonsiiyay Isbitaal Banaadir

Muqdisho(SONNA)--Qalab Caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada…

WararkaWargayska
March 24, 2020

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo…

GudahaWararka
November 3, 2025

Dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga oo ka wada hadlay horumarinta Garoomada iyo Jidadka

Muqdisho (SONNA):- ย Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan iyo wafdi ay hogaaminaysa ayaa magaalada Riyadh ee…

CaalamkaGudahaWararka
January 22, 2024

Shirka Xoghayeyaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Soomaaliya

Dooxa-(SONNA)-Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha…

GudahaUncategorized
January 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023