Muqdisho (SONNA)- Taliyaha guud ee ciidanka Amisom ,sareeye guud Diomede Ndegeya, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha lixda qeybood ee Amisom kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka aha xoojinta amniga maadaama ay qeyb ka yihiin la dagaalanka argagixisa.
Kulanka oo ay hanaanka muqaal-fog araga dhanka internetka uga qeyb galeen lixda taliye qeybaha Amisom ayaa looga hadlay qorsheynta hanaanka dib u qaabeynta howlgalka Amisom iyo sidii loo meel marin lahaa qorashayaasha lagu kaabayo hanaanka la dagaalanka maleeshiyaadka al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sidoo kale kulanka ay uga hadleen talaabooyinka dhanka amaanka la xiriira kuwaas oo loogu talo galay doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya . Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya waxay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya.