Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”
Wararka

Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 4, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la’aan, Waxbarasho la’aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah kufaafayo.

Booqasho dhawaan aan ku tagnay deegaanka Garasbaaleey kaas oo ay deganyihiin dad isugu jira danyar iyo barakacayaal xilli hore  ka soo barakacay gobolada dalka sababo la xiriira abaar baahsan oo ku dhufatay ayaan halkas kula soo kulanay dad badan oo sheegay inuu cududrka si wayn u saameeyey waxbarashadii  carruurtooda qaarkood haatan ay guryaha iska joogaan.

Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.

“Carruurteennu marki horeba  waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha” ayey tiri Xaliimo Xirsi oo uwarameysay Warbaahinta Qaranka.

Intii aan joognay kaamka waxaan sidoo kale ku soo aragnay qaar ka mid ah carruurta barakacayaasha ah oo dhexdooda isku faa’ideynaya si ay iskusoo  xasuusiyaan waxbarashadii ay hore uqaateen,

Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore uqaateen kadibna uu usii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.

“Waxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa’ideystaan fursadan” ayuu yiri Bilow.

Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka  weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda   waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodiiiyagoo intaas kudaray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib ubilaaban doonto.

Dhinaca kale waxaan kaamka Garisbaalleey ka bilowday ollole dadka barakacayaasha ay isaga wacyigalinayaan qattarka cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafada iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor udhaafayo 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof.

 

W/D: Aamina Axmed Cali (Aamina Ladan)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed hawlkarnimadooda

Muqdisho, 01, May 2024:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka…

GudahaWararka
May 1, 2024

Guddiga doorashooyinka oo doortay Guddoomiye ku meel gaar ah

Kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha…

GudahaWararka
July 2, 2021

Kalfadhiga Baarlamaanka JFS oo Furmay

Muqdisho(SONNA):-waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmay kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Kalfadhigan…

GudahaWararka
July 6, 2024

Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo ah Safiirka cusub…

Gudaha
September 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023