Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”
Wararka

Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 4, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la’aan, Waxbarasho la’aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah kufaafayo.

Booqasho dhawaan aan ku tagnay deegaanka Garasbaaleey kaas oo ay deganyihiin dad isugu jira danyar iyo barakacayaal xilli hore  ka soo barakacay gobolada dalka sababo la xiriira abaar baahsan oo ku dhufatay ayaan halkas kula soo kulanay dad badan oo sheegay inuu cududrka si wayn u saameeyey waxbarashadii  carruurtooda qaarkood haatan ay guryaha iska joogaan.

Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.

“Carruurteennu marki horeba  waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha” ayey tiri Xaliimo Xirsi oo uwarameysay Warbaahinta Qaranka.

Intii aan joognay kaamka waxaan sidoo kale ku soo aragnay qaar ka mid ah carruurta barakacayaasha ah oo dhexdooda isku faa’ideynaya si ay iskusoo  xasuusiyaan waxbarashadii ay hore uqaateen,

Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore uqaateen kadibna uu usii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.

“Waxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa’ideystaan fursadan” ayuu yiri Bilow.

Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka  weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda   waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodiiiyagoo intaas kudaray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib ubilaaban doonto.

Dhinaca kale waxaan kaamka Garisbaalleey ka bilowday ollole dadka barakacayaasha ay isaga wacyigalinayaan qattarka cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafada iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor udhaafayo 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof.

 

W/D: Aamina Axmed Cali (Aamina Ladan)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aadan…

GudahaWararka
December 20, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM 

Qaahira(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo…

GudahaWararka
January 27, 2025

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo ka hadlay cabashooyin ka timid beeralayda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),ayaa ka jawaabay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamada jooga…

GudahaWararka
April 14, 2024

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga…

GudahaWararka
July 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023