Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tegay deegaannada Xeraale, Lajiide, Towfiiq iyo Miirjiicleey oo ay xalay ku hooydeen.
Ujeedka socdaalka wafdiga Wasiirada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ahaa mid ay ugu kuurgalayeen baahiyaha ka jira adeegga bulshada iyo abuuridda kalsooni shacabka, iyadoo shacabka laga dhageysanayo duruufaha ay ku suganyihiin.
“Dhul baaxad weyn oo ka mid ah dhulkii aan marnay wali waa jiilaal, halka meelaha qaarna uu roob culus ku da’ay, meelaha qaar waxaa ku habsaday Ayax fara-kabax ah. Intaan safarka ku jirnay waxaan la kulannay diyaarad Helicopter oo ay saaranyihiin shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Galmudug oo buufinaya Ayaxa. Diyaaraddu waa soo degtay waana la sheekeysannay sida xaaladdu tahay iyo waxa u qabsoomay maadaama uu nala socday Wasiirka Beeraha Galmudug”. Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Galmudug.
Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa yiri “Intii aan safarka ku jirnay waxaan awoodda saarnay sidii shacabka loo dhiirigelin lahaa, loona dhisi lahaa kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo Dawladda, waxaana deegaannada aan kormeerka ku tegnay aan booqanay goobaha Waxbarashada”.
Safarka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Wasiirka Diinta iyo Aqaafta, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Dekedaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug.