Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeeyaan wadamada kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago “maalgalinta argagixisada” ee Al-Shabaab.
โMareykanka wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa burburinta awooda Al-Shabaab oo caadeysatay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ahโ, ayeey tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay .
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ย ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada kooxaha argagxisada ee aan ku ekeyn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .