Muqdisho (SONNA)- Shir looga hadlaayay horumarinta biyaha deegaannada ka fog wabiyada ayaa lagu soo gabangabeeyay magaalada cadaado oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Soomaaliya.
Biyoole project waa mashruuc lagu hormarinayo biyaha deegaannada dowlad goboledyada galmudug,puntland iyo koonfur galbeed waxaan garwadeen ka ah wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowlada federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in mashruucaan loogu talagalay dhulka ka fog wabiyada oo biya la,aan baahsani saameesay.
โMashruucaan waxaan ugu talagalnay inaan ku gaarsiino biyo deegaannada ka fog wabiyada si xal loogu helo biyo laโaanta baahsan ee soo laa laabtay kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.
ugu dambeyn waxaa mashruucan soo xiray wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyratka biyaha Galmudug Maxmed kaarshe.