Muqdisho (SONNA)- Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dowladda iyo shacabka Suudaan oo wajahaya fatahaadihii ugu baโnaa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.
โWaxaan u tacsiyeynay waddanka aan walaalaha nahay ee Suudan oo aan leenahay Soomaaliya waa ay idin garab taagan tahay. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah la siiyo walaalaheen Suudan oo na garab istaagay xilligii aan u baahneynโ ayuu yiri sii hayaha Wasiiru dowlaha Xafiiska Raโiisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Sii hayaha Raโiisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleedย ayaa sidoo kale lagu goโaamiyay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafo kharashaadka degganaanshaha iyo ganaaxyo haddii ay jireen.
Suudaan oo ka mid ah dadalka sida weyn u garab istaagay Soomaaliya, waxaa ku nool in ka badan 7,000 oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas kale.