Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid Ciidan oo loogu tala galay tayaynta Ciidanka xoogga Dalka.
Gaadiidka oo ay Wasaaraada difaaca Soomaaliya ku wareejisay qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka Millitariga, booyado iyo Gaadiid kale.
Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa Boqortooyada Ingiriiska ugu mahad-celiyay taageerada Ciidan ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
โWaxaan u hambalyeynayaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 60-aad oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Gawaari Dagaal noocyadooda kala duwan oo qayb ka ah dib-u-dhiska ciidamdda xoogga Dalka Soomaaliyeed.โayuu yiri Wasiirku.
Mudane; Ammar dambe ayaa Dowladda UK iyo Shacabkeeduba ugu mahad celiyay sida ay uga soo jawaabtay codsiga Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay kala qeybqaatato dib u dhiska Ciimadamada qalabka sida.
ย ย