Muqdisho-(SONNA)-Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta ansixiyey hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed.
Kulanka ay Goluhu yeesheen ayaa waaxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad, Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuddey.
Hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa oggalaatay 139 Mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, iyadoo cid ka aamustayna aysan jirin.
dhanka kale mudanayasha ayaa ka doodaya
1-akhrinta 1aad ee hindise-sharciyeedka hayโadda baaritaanka iyo sharciyadda beeraha soomaliyeed.
2-akhrinta 2-aad ee hindise-sharciyeedka hayโadda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaliyeed.
3-qeybinta dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka ee golaha shacabku ansixiyey.