Muqdisho-(SONNA)-Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa sheegay in daraasado ay ka sameeyeen dhibaatada uu cudurka Covid-19 ku yeeshay ย ganacsiga ay muujineyso inay jirto saameyn baahsan oo uu ku yeeshay ganacsiga Dalka balse dedaallo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsataduba ay wakhtigan yaraatay waxyeelladiisa.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan lagu falan-qeynayay saameynta covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdosho ayaa intaa ku daray in wakhtiyadii uu cudurkani xoogganaa ay Dowladdu canshuur-dhaaf u samaysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa Dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee Bulshada.
Inj; Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurka,wuxuuna intaa ku daray in la joogo wakhtigii Dowlad iyo shacabba fursado loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay Corona Virus loona xoojin lahaa wax-soo-saarka Dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dedaallo ku bixiyeen horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna ku dheeraaday dedaalladooda ku aaddan dhiiri-gelinta maal-gashiga, isagoo xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga Waddanka, taas oo sababtay in ay Soomaaliya Maanta ka mid noqoneyso Ururrada caalamiga ah ee ganacsiyada Adduunka.