Ugu yaraan 45 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Libya, taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd oo sanadkan ku dhimata badda Mediterranianka , sida ay QM sheegtay Arbacadii.
War qoraal ah oo ka soo baxay, heyโadda UNHCR iyo IOM ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah wali ku howlan yihiin sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka dhibaatada ku habsatay.
โKu dhowaad 37 qof ee la soo badbaadiyay waxay badankood ka yimaadeen dalalka Senegal, Mali, Chad iyo Ghana, waxaana soo badbaadiyay kalluumeysato maxali ah,โ ayaa lagu yiri bayaanka.
Dadka degaanka ayaa shaqaalaha heyโadda IOM ku wargeliyay shilkaas iyadoo 45 ruux ee dhimatay ay kamid yihiin shar carruur ah, sababta shilka sababtay ayaa lagu sheegay in doontii dadkaas la socdeen uu matoorkeeda uu qarax ka dhashay xilli ay ku sugneyd xeebta Zuwahra.
Markab Libya leedahay ayaa masโuul looga dhigay in uu soo badbaadiyay dadka ku maqan biyay waxaana mashruucaas maalgelinaysa Midowga Yurub in ka badan 7,000 oo muhaajiriina ah ayaa dalka lagu soo celiyay sanadkan, sida lagu sheegay bayaanka QM ka soo baxay.