(Khaartuum) Danjiraha J.F. Soomaaliya ee dalka Suudan Amb Mohamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagagey Jaamacadda Caalamiga ah ee looyaqaano Intenational University of Africa IUA,Asagoo u kuur galaayay xaaladda ardeyda.
jamacadda IUA waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waweyn ee Dalka Suudan, islamarkaasi ah jaamacadda ugu badan ee dhigta Ardeyda Soomaaliyeed oo gaaraaya 1000 ardey.
Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Jaamacadda ayaa wuxuu la kulmey maamulaha guud ee cusub jamacadda Professor Yusuf Mukhtar Al
Amin,wuxuuna ugu mahadceliyay fursadaha waxbarasho oo aysiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.
sidookale waxay kawada Hadleen waxyaabo la xiriira xoojinta xiriika labada Dal, Suudan iyo Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Jamacadda iyo safaaradda.
Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq waxaa ku weheliyay kulanka Nasara Mohamed Ahmed oo ah uqeybsanahay Arrimaha waxbarashada iyo Cali Maxamed Maxamuud oo u qaabilsan Safaaradda xiriirka bulshada.