Guddoomiye Ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada iyo howlaha guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qabanqaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar taasi oo ay ku geeriyoodeen Masโuuliyiin fara badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Duqii hore Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).