Masuuliyiintaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay goobaha ay imtixaanaadka ay ka socdeen iyagoo dhirigalinyay ardayda waxaana ay in tabadan ku dhiiri galiyeen inay xoogga saaraan waxbarashada.
โWaxaan u hambalyeynayaa Ardayda nasiibka u yeeshay in imtixaanka ay si nabad ah ku dhameystaan iyadoo dalka uu wali xoogga saarayo xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19, sidoo kale Gobolka Banaadir waa ka go,antahay in kor loo qaado heerka waxbarashada gobolka .ayay ku dartay guddoomiye Basmo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa 10-kii bisha furay Imtixaanka fasalada 8-deedaad gobolka Banaadir iyagoo ay sanadkaan fadhiisteen in ka badan 27,000.