Feef-feer-(SONNA)-Xubno ka mid ah Wasiirrada Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta kulan kula yeeshay Degmada Feer-feer Saraakiisha hoggaanka nabad-gelyada Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, si xal looga gaaro xiisad colaadeed oo dhowaan Beelo walaalo ah ku dhex-martay degaanka Abaaleey.
Kulanka ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda laysugu keeno Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac, si ay ugu wada hadlaan soo Af-jaridda waxyaabaha jira, xal waarana looga gaaro dhammaystirka colaadda soo laalaabatay.
Ku dhowaad 14 Qof ayaa ku geeriyootay Dagaalladii ugu dambeeyay ee Labadaasi Beelood ku dhexmara degaanka Abaaleey ee dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya halka Boqolaal kalena ay ku barakaceen.