Muadisho:(SONNA)-Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa markii labaad ufududeesay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markii xuduudaha dalkaasi loo xeray xanuunka Faafa ee Covid-19.
Muwadiniin gaaraya 128 qof oo isugu jira Ragg iyo Dumar ayay Safaarada ku guleeysay maanta in dib dalka logu soo celiyo, iyaga oo gaari doona magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.
Dadkan oo ka mahadceliyay sida Safaarada ay u garab istaagtay ayaa waxaa Garoonka diyaradaha ee magalada Hyderabad dadkaasi ku sogootiyay Safiir ku xigeen ahna lataliyaha Safaradda Salim Cabdullahi Qalinle iyo diblamaasiyiin kale.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindya Fadumo Cabdullahi Insaaniya ayaa dhawanahaanba ku hawlaneed sidii markale muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban halkaasi dib dalka logu celin lahaa