Muqdisho:(SONNA)-Guddiga Hoosaadka Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la kulmay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).
ย Iyadoo ajendaha kulanku ahaa in GMDQ laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddi hoosaadkani.
Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xil. Maxamed Cabdulle Faarax “Geesey.