Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah
GudahaWararka

Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federaalka iyo qayb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ahna xubin kamid ah Golaha Shacabka, haddana ah Guddoomiye ku xigeenka Madasha Samatabixinta; Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke; Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenka Madasha Samatabixinta) waxay si wadajir ah u soo saareen qodobadan soo socda:

1. Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.

2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin khawaarijta.

3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo hogaamiye ku xigeenada dowlad-goboleedyada.

4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.

5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha baarlamaanka fadaraalka noqonayo xisbi qaran.

6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.

7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.

8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.

BAAQ:

10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga horumarinta adeega Bulshada Aqalka Sare oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada XFS

Muqdisho (SONNA) Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda…

GudahaWararka
February 12, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka…

GudahaWararka
February 15, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha  Haweenka ee ka…

GudahaWararka
February 15, 2023

Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaa wafdigan Garoonka…

GudahaWararka
August 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023