Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay ciribtirka malleeshiyada Shabaab ee gobalka Bakool la qaatey saraakiishaย guutada sagaalad ee taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,iyadoo ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta 60-aad iyo saraakiil kale.
Gaashaanle Muqtaar Maxmed Cabdulahiย (Geesey) taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.
‘Madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada,isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidii kooxaha nabad-diidka ah looga dulqaadi lahaa shacabka reer KG oo in muddo ahba ย dhibaato ku qabay kooxahaas ,waxaanu sidoo kale uu innoo ballan qaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada’. Ayuu yiri gaashaanle Muqtaar Geesey.
Sidoo kale Muqtaar Geesey ayaa Sheegey in madaxweynaha KG. Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareenย ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystiri lahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah
Ugu dambeyntii waxaa uu umahad celiyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bakool,isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badanโ misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo waarta